Dawlada Oo Shaacisay Dad Hor Leh U Dhintay Coronavirus iyo Kiisas Cusub Oo Laga Helay Muqdisho.

Wasiirka Caafimaadka Xukuumada Somalia Fowsiya Abiikar Nuur ayaa caawa shaacisay in magaalada Muqdisho laga helay dad cusub oo qaba cudurka Coronavirus.

Fowsiya Abiikar Nuuroo caawa ka hadleysay shir jaraa’id oo ay ku qabatay xafiiska RW Somalia ayaa sheegtay in maanta oo Sabti ah cudurka laga baaray 25 qof oo la tuhunsanaa, Baaritaanka ka dib waxaa caabuqa laga helay 19 ka mid ah 25-ka qof ee la baaray taasoo tirada guud ee cudurka qaba Somalia oo dhan ka dhigeysa 135 qof.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegtay in maanta ay soo korodhay 2-qof oo dhimasho ah, midaasi oo tirada guud ee dhimashada dalka ee cudurkaasi ka dhigaysa 7-qof.

Wasiirka Caafimaadka Xukuumada Somalia waxay intaas raacisay in kiisaska cudurka ee laga helayo dalka ay sare u sii kaceyso maalinba maalinta ka dambeysa, loona baahan yahay shacabka iney ku dhaqmaan talooyinka ka hortaga ah si yareeyo faafida cudurkan.

(Visited 1 times, 1 visits today)