Jabuuti Oo Maanta Shaacisay in 31 Qof Oo Hor Leh Laga Helay Caabuqa Coronavirus.

Dawlada Jabuuti ayaa shaaca ka qaaday in maanta diwaan-galisay 31 qof oo laga helay xanuunka halista ah ee Coronavirus, taasoo wadarta guud ee dadka uu haleelay caabuqan ee ku nool Jabuuti ka dhigaysa 135 qof .

Wasaarada caafimaadka Jabuuti ayaa Warsaxafadeed ay soo saaratay ku sheegtay in maanta caabuqa Coronavirus laga baaray 450 qof oo laga shikisanaa, kuwaasoo laga helay 31 ka mid ah Covid-19  baaritaanka kadib

Sidoo kale wasaarada Caafimaadka ayaa sheegtay in 71 qof oo ka mid ah dadka laga helay caabuqa Corona-virus oo xaaladoodu halis tahay la dhigay Isbitaal ku yaala Carta, halka inta kalena lagu hayo xarun lagula socdo xaaladooda,Iyadoo xustay inay caabuqa ka bogsadeen 18 ka mid ah dadka uu ugu horayntii soo ritay xanuunkaasi safmarka ah ee dhibaatada ku haya caalamka oo dhan.

Halkan ka Akhriso Warsaxaafadeedka oo ku qoran luqada Faransiiska.