Dawarsiga Cirro Waddani Qore Mukhtar Cilmi

Asalaamu Calaykum Waraxmatulaahi Wabarakaato.

Maahmaah Soomaaliyeed oo fara badan aya ka mid ahayd Saaqid waliba wuxuu doonta Saaqidkiisa, waana run oo shaqsiga ay guusha la garab taagantahay wuu neceb yahay saaqidku xasad awgee. noocaas ma oofiyo wacadka eebbe ee u galo wuu garab maraa!!. hadaba sida aanu uwada ogsoonahay xisbigii dhamaa ee WADDANI wuxu noqday goob ay siyaasi isku sheeg ah oo afka u galay,mucaaridadii dhamaydna wuu iska daayay oo wuxuu noqday xisbi hoos gala xisbul xaakimka KULMIYE.. waxaana hadalkayga u raad ah hadalkii u fagaaraha barlaamaanka ka sii daayay xildhibaan IBRAAHIN MAHDI BUUBAA OO ka TIRSAN XISBIGA waddani inu WADDANI aan ahayn MUCAARID oo kulmiye ahaa xisbigii mucaaridnimadu ugu danbaysay!.

Bahasha carsaanyadda la yidhaa, way caggo baddan tahay, afarta jihana way u socotaa, lama garto dhinacay u dhaqaaqi doonto, Waxaa xaalkiisu sidaa ka dhigan yahay xisbiga WADDANI oon loo kala garan Karin Mucaarid iyo muxaafid!!!!. waxaana arka mar waliba si badheedh ah la rabo in hanti laga ururusado taageeryaasha WADDANI oo haatan joojiyay dhaqaalihii ku kaabi jirayn xisbiga shaqadii mucaarid nimaddii ka saaqiday.WADDANI wuu qiiqaya dhaqaalo iyo siyaasad toonana ma hayo waxaana cidhib tiray oo jarka ka tuuray siyaasiyiin  aan xirfada siyaasada ogoonayn , maalin walba la taagan shir jarayid aan midho lahayen hadal mooyaane!.

Sida u sheegay IBRAAHIN BUUBA waddani maaha xisbi mucaarid ee waa NGO amba pre paid xukuumaddu ku shubato siyaasaddeeda ,waana u guul xukuumadda iyo xisbiga talada haya ee KULMIYE ee muujiyay khibradiisa iyo sida u la tacaalo mar walba siyaasadda dalka.halka WADDANI iyo UCID ba ay saaxadda ka maqan yihiin oo ay khasaarad taagan yihiin iyo dawarsi.

By Mukhtar Cilmi
Khadar338@hotmail.com