Dalalka Khaliijka Oo 1.5 Bilyan Oo Doolar Ku Wareejiyay Sudan.

Sacuudi Carabiya iyo Isutagga Imaaraatka Carabtu ayaa deeq lacageed oo dhan $ 1.5bn oo doolar siiyay dawlada Sudan sida uu xaqiijiyay wasiirka maaliyada Sudan.

Gargaarka ayaa dalalka Khaliijku waxa ay dawlada Sudan u ansixiyeen wax yar ka dib markii Madaxweyne Cumar Al-Bashiir la afgambiyay bishii Abriil, si loogu kabo dhaqaalaha sudaan iyo xukunkii hoggaamiyeyaashii millateriga ee isaga xukunka ka qaaday.

Wasiirka Maaliyadda Ibrahim Elbadawi ayaa laga soo xigtay in uu yidhi “$ 500m oo doolar oo lacagtan ayaa la dhigay bangiga dhexe ee Suudaan, isla markaana $ 1bn waxa ay nagu soo gaadheen badeecado sida shidaalka iyo cuntooyinka dalkaasi sida wayn looga baahan yahay.

Dhaqaalaha dalka Sudan ayaa kacaa kufayay tan iyo markii uu dalkaasi lumiyey inta badan goobihi shidaalka markii South Sudan ay ku dhawaaqday xornimo sanadkii 2011.

Dalka Suudaan ayaa filaya $ 1.5bn oo dheeri ah oo gargaar ah oo ka timaadda Sacuudiga iyo UAE.