Dagar-qabayaal Lagu Qabtay Dagaal Oo Lagu soo Bandhigay Muqdisho.(Sawiro)

Maamulka degmada Dayniile ee gobolka Benaadir ayaa soo bandhigay labo nin oo sida la sheegay ka tirsanaa dagaalyahanada Al-Shabaab kuwaasoo xalay weerar ka geystay xarun ciidan oo ku taalla degmadaas.

Labada nin ee la soo bandhigay ayaa midkood waxaa ka muuqday dhaawac culus oo ka soo gaaray lugta Midig.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Dayniile ayaa sheegay in raggan la qabtay ay qeyb ka ahaayeen koox hubeysan oo xalay weerar ku soo qaaday fariisin ciidamada dowladu ku leeyihiin degaanka Saqiiro oo ku yaala duleedka degmadaas, kuna dhow xadka gobolada Banaadir iyo Sh/dhexe.

Iska horimaadka lagu soo qabtay raggan ayaa waxaa ku dhintay nin oday ah oo ka tirsanaa dadka degaanka halka ay ku dhaawacmeen labo askari oo ka tirsanaa ciidanka dowlada sida wararku sheegayaan.

Masuuliyiintu waxay sheegeen in raggan la soo taagi doono maxkamad si looga abaal-mariyo dembiga ay galeen.