Dagaalyahano Xiriir la Leh Daacish Oo Qabdsaday Dekeda Magaalada Mocimboa Ee Mozambique.

Dagaalyahano xiriir la leh ururka la magac baxay khilaafada Islaamka ee Daacish ayaa la wareegay deked muhiim ah oo ku taalla dalka Mozambique

La wareegida dekedan ayaa timid Kaddib dagaal xooggan oo muddo maalmo ah ka socday waqooyiga dalkaas

Sida ilo wareedyo kala duwan ay sheegayaan, magaalada Mocimboa da Praia waxaa talaadadii la wareegay dagaalyahano islaamiyiin ah oo halkaas ka saaray ciidamada dowladda.

Waxaana la sheegay in ciidamada ay isaga carareen magaalada, iyadoo arrintani dhabar jab ku tahay dowladda Mozambique.