Dagaal Xooggan Oo ka Socda Duleedka Dhuusamareeb

Sida Saraakiisha Ciidanka Dowlada Soomaaliya u Xaqiijiyeen Warbaahinta waxaa Dagaal xoogan ka qarxay meel u dhaw deegaannada sino-dhaqo iyo Labidulle ee duleedka Magaalada dhuusamarreb.

Dagaalkan ayaa qeyb ka ah Howl galada ka socda gobolka Galgaduud.

Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay weerar kusoo qaadeen ciidanka dowladda ee dhawaan qabsaday degaanadaasi.

Sarakiisha ayaa sheegay in wali uu socdo howl galka lagula dagaallamaayo Shabaab.