Dad Badan Oo Shacab ah Oo ku Dhintay Duqeyn ka Dhacday Gobolka Tigray.(Sawiro)

56 qof oo shacab ah ayaa ku dhimatay Duqeymo dhinaca cirka ah oo ka dhacay gobolka Tigray ee dalka Ethiopia, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay 30 qof oo kale oo ay caruur ku jiraan, kuwaasi oo ku noolaa xero dadka barakacayaasha ah, sida ay Sabtida maanta ah ay sheegeen laba ka tirsan shaqaalaha gargaarka iyo dad goobjoogayaal ah.

Ma jiro war madax banaan oo xaqiijinaya weerarka lagu qaaday iskuul ku yaala degmada Dedebit balse sawirro la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay weerarka oo lagu daweynayo isbitaal.

Afhayeenka dowladda Legesse Tulu ayaan ka gaabsatay Inay ka jawaabto dhacdadan, balse Dowladda ayaa hore u beenisay in ay dad rayid ah beegsatay muddadii 14-ka bilood ahayd ee uu socday dagaalka ay kula jirto ciidamada Tigreega.

Mid ka mid ah howlwadeennada gargaarka oo booqday isbitaalka guud ee Shire Suhul oo la geeyay dhaawacyada, ayaa sheegay in kaamka ay ku nool yihiin haween da’ ah iyo carruur.

“Waxa ay ii sheegeen in duqeyntu ay ku bilaabatay saqdii dhexe. Waxa ay ahayd gudcur, oo ma aysan ka carari karin,” ayuu yiri qofkaasi ka tirsan shaqaalaha gargaarka ee la hadlay Reuters.

Gelinkii hore ee Jimcihii, dowladdu waxa ay xabsiga ka sii daysay dhowr hoggaamiye oo mucaarad ah, iyadoo sheegtay in ay bilaabi doonto wadahadal ay la gasho mucaaradka siyaasadeed si loo xoojiyo dib u heshiisiinta.

Ugu yaraan 146 qof ayaa lagu dilay, 213 kalana waa lagu dhaawacay duqeymo ka dhacay gobolka Tigray ilaa 18-kii October, sida ay sheegeyso xog ay diyaariyeen hay’adaha gargaarka ayna heshay wakaaladda wararka ee Reuters.