Dad Hor Leh Oo COVID-19 Ugu Geeriyooday Muqdsho Oo la Shaaciyay.

Wasaaradda caafimaadka dalka ayaa xaqiijisay in 3 qof oo hor leh ay 24-kii saac ee lasoo dhaafay dalka ugu geeriyoodeen xanuunka COVID-19, laga diiwaan geliyay 44 xaalad oo cusub. Afar ruux ayaa ka bogsooday xanuunka.

Afartan kamid ah xaaladaha cusub waxaa laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir, 4ta kalana waxaa laga helay deegaannada dowlad gobaleedka Puntiland. 35 kamid ah Bukaannada cusub waa rag, waxaana dumar ah 9 xaaladood.

Wasaaradda Caafimaadka waxay xaqiijisay in hal ruux oo kamid ah 9 bukaan oo xalay ku geeriyooday Isbitaal Martiini uu qabay xanuunka COVID-19, qof kamid ahna la xaqiijiyay inuusan qabin xanuunka, 7da kalana laga baaray cudurka hase yeeshee ay geeriyoodeen kahor intii aysan soo bixin natiijada baaritaankooda.

Bukaannada Isbitaal Martiini xalay ku geeriyooday dhammaan waxay ahaayeen bukaanno waqti dheer lagu hayay isbitaallada gaarka loo leeyahay, oo la keenay Isbitaal Martiini markii xaaladoodu ay adkaatay.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa mar kale maamulayaasha Isbitaallada gaarka loo leeyahay fartay in bukaannada lagu arko astaamaha COVID-19 ay sida ugu dhaqsaha badan ugu soo gudbiyaan xarumaha caafimaad ee loogu tala galay la tacaalidda dadka uu haleelo Fayruska Karoona, si xaaladdoda caafimaad wax looga qabto.

Tirada guud ee xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ay noqdeen 480. Guud ahaan 26 ayaa loo diiwaan geliyay inay u geeriyoodeen cudurka, waxaana ka bogsoosay 14 ruux.