Cumar Filish Iyo Taliyayaasha Ciidanka Oo ka Wada-hadlay Amniga Muqdisho(Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Miqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xajaar) ayaa maanta kulan la qaatay Taliyeyaasha Saldhigyada Booliska Gobolka Banaadir.

Kulanka oo uu sidoo kale ka qeyb galay iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Farxaan Maxamuud Qaroole ayaa looga hadlay Amniga Guud ee caasimada iyo u diyaar garowga xuska maalmaha Xorriyadda ee 26-ka June iyo 1da Luulyo.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Cumar Xasan (Saalax dheere) oo kulanka faahfaahin guud ka bixiyay ayaa sheegay in sidoo kale looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee amniga magaalada Muqdisho xoojinta iyo wada-shaqeynta hay’adaha Amniga iyo Mas’uuliyiinta degmooyinka.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in kulanka diirada lagu saaray sidii loo joogteyn lahaa kulamada looga hadlayo amniga.