COVID-19 Wuxuu Aduunka Galiyay Qalalaase La Mid Ah Kii Dagaalkii 2aad Ee Dunida.

Dhimashada Aadamiga, burburka iyo hoos u dhaca dhaqaalaha, cabsida iyo kala shikiga ka taagan aduunka ee uu abuuray caaquqa coronavirus ee sii faafaya ayaa la mid ah qalalaase dunida soo foodsaaray ee ugu xumaa tan in iyo dagaal waynihii 2aad ee Aduunk ayuu yiri madaxweynaha Turkigu.

Madaxwayne Recep Tayyip Erdogan ayaa sidan yidhi waqti uu ka hadlayay shirkii golaha dhexe ee xisbiga ee xukunkiisa cadaalada iyo hormarinta (AK) Party “Marka laga yimaado saamayntiisa dhaqaale, masiibada COVID-19 waxay isu beddeshay dhibaatadii ugu weyneyd ee caalamka soo foodsaarta tan iyo Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

Turkiga ayaa ilaa hadda diiwaangaliyay 90,980 kiis oo coronavirus ah waxana kaga dhintay caabuqan dad kor u dhaafaya 2,140 oo qof.