Ciidanka NISA Oo Gacanta kusoo Dhigay Walxaha Qarxa Iyo Xubno Alshabaab ah Oo Watay.(Sawiro)

Ciiddanka Duufaan ee qeybta ka ah NISA oo howlgal qorshaysan xalay ka fuliyay degmada Heliwaa gaar ahaan Suuqa Xoolaha ayaa kusoo qabtay xubno katirsan Alshabab.

Howlgalkan ayaa sidoo kale ciiddanku waxay gacanta ku dhigeen kaydkii ugu weynaa ee hubka Alshabaab ku qarsan jireen suuqa xoolaha, hubkaas oo ka koobnaa qaraxyo iyo rasaas.

Ciidamada NISA ayaa sheegay in ay howgalkaan ka qeyb qaaateen Bulshada, kuwaas oo laaamaha amniga siiyay macluumaad.

Muuqaal lagasoo dhuubay ayaa lagu arkayay ciiddamada oo meel god ah kasoo saaraya qaraxyo horey loosii diyaariyay iyo rasaas duugowday oo ah kuwa madaafiicda.

Lama sheegin in ay ciiddanku la kulmeen wax iska caabin ah intii gacanta kusoo dhigayaan hubkaan, waxayna arrintaan kusoo beegmaysaa xilli maalmihii ugu dambeeyay Muqdisho ay kusoo badanayeen qaraxyada ismiidaaminta ah.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!