Ciidamada Xoogga Oo Sheegay Inay Jab Culus Al-Shabaab ku Gaarsiiyeen Dagaalkii Awdhiigle.

Mid ka mid ah dagaaladii ugu adkaa oo ay galaan ciidamada Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay degmada Awdheegle gobalka Shabeellada Hoose, waxaana la sheegayaa in uu khaasaare badan ka soo gaaray dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Dagaalkan ayaa la sheegay in Al-Shabaab ay la kulmeen khasaare xoog leh kadib markii ay u diyaar-garoobeen milateriga Soomaaliya oo kasii war-helay inay isku abaabulayeen degaanka Xawaadley ee gobalka Shabeellada Dhexe.

Saraakiil katirsan ciidamada xoogga dalka oo ku sugan Awdheegle ayaa sheegay in ay dileen in ka badan 50 dagaalame oo Al-Shabaab ah islamarkaana ay nolasha ku qabteen in ka badan 10 dagaalame.

Taliyaha, ciidanka lugta ee xoogga dalka, General Odawaa Yuusuf Raage oo lahadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ciidamada dowladdu ay iska caabiyeen weerar kaga yimid dhanka Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa sheegay in meydadka raggii weerarka soo qaaday oo aan xisaab laheyn ay daadsan yihiin degmada Awdheegle, sida uu hadalka u dhigay.

Odawaa ayaa sidoo kale xusay in ciidamadu ay nolosha ku qabteen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa haatan degna, waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidamada Milatariga Soomaaliya, gaar ahaan kuwa sida gaarka u tababaran ee Danab.