Ruushka Oo Dhoola-tus Dhinaca Hubka Niyukliyeerka Sameeyay ka Dib Hadalkii Biden

Ruushka ayaa dhoolatus milatari oo niyukliyeer ah ka sameeyay waqooyi bari Moscow maanta oo Arbaco ah, ka dib markii madaxweyne Joe Biden uu shaaciyay qorshe uu gantaal casri ah ugu dirayo Ukraine.

Ilaa iyo 100 askeri ayaa ka qeybqaadanaysa dhoolatuskan iyagoo adeegsanaya 100 gaadiidka gaar ah ee xambaarsan hub niyukliyeer ah, waxaan warkan soo tabisay wakaaladda wararka ee Ruushka oo soo xiganeysa wasaaradda arrimaha difaaca Ruushka.

Dhoolatuskan ayaa ka dhacay meel 160 mayl u jirta Moscow, caasimadda Ruushka, kasoo looga gol lahaa in dagaal loo diyaariyo hubka niyukliyeerka Ruushka.

Sikastaba ha noqotee waaa markii labaad ee Ruushku sameynaya dhoolatus noocan ah tan iyo markii uu billaabay duulanaka Ukriane