Ciidamada Milatari Iyo Sirdoonka Sudan Oo Isku-rasaaseeyay Khartuum, Iyo Xiisada Oo Wali Cakiran.

Is rasaasayn xoogan ayaa laga maqlayaa bartamaha Caasimada Suudaan ee Khartuum, waxana ay wararku sheegayaan in tacshiiradan ay iswaydaarsanayaan Ciidamada Milatariga ah ee Suudaan iyo Ciidamo ka tirsan hayada sidoonka qaranka ee Suudaan ee magaceeda loosoo gaabiyo (NISS).

Iska hor-imaadkan ayaa ka dhashay markii Ciidamada sirdoonka ay ka caroodeen go’aan shaqada looga fariisiyey oo ka soo baxay dowlada, waxaana hakad galay Duullimaadyadii garooonka diyaaradaha Khartoum.

Ciidammo badan oo ka tirsan kuwa daacada u ah dowlada ayaa isku gadaamay dhismaha raggani ku jiraan, iyadoo Wasiirka Warfaafinta Sudan, uu arrinta ku tilmaamay gadood sharci daro ah oo aan la aqbali Karin.

Ra’iisulwasaaraha Sudan Maxamed Xamduuk, ayaa sheegay in xaaladdu ay gacanta dowladda ku jirto, waxaana uu muwaadiniinta ugu baaqay in ay is dejiyaan.

Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Siyaaddada Sudan Gen. Maxamed Xamdaan Xamiti, ayaa ku eedeeyay taliyihii hore ee Sirdoonka Sudan Gen. Salaax Goosh inuu isagu ka dambeeyo waxa socda.

Hayadan nabadsugida ee (NISS) ayaa waqtigii uu talin jiray Al-bashiir ahayd mid awood leh oo si wayna looga cabsado, balse wixii ka dambeeyay marki Albashiir xukunka laga qaaday ayay saamayntoodu hoos u dhacday, waxana muuqata in amnigu uu gacanta u galay miltariga, wax badan oo shaqaalaheeda ka mid ahaana shaqada ayay isaga tageen, ama laga cayriyay.

Wariyaasha ku sugan Khartuum ayaa waxa ay hoosta ka xariiqeen in isku-dhaca u dhaxeeya laamaha amniga ee Sudan uu yahay mushkilad wayn oo hadii aan xal dag deg ah loo helin wax u dhimi karta amniga dalkaasi.