Ciidamada Mareykanka Oo Maanta ka Baxaya Somaliya.

Dhammaan ciidamada Mareykanka ah ee ku sugan Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay maanta oo Jimce ah, 15-ka bisha January, isaga baxaan Soomaaliya.

Taliska milatiga Mareykanka ma aysan faahfaahinin sababta Soomaaliya looga saarayo ilaa 700 oo ka mid ah askartooda oo aad u hubeysan, laakiin waxay sheegeen in Mareykanku uu sii wadi doono garab istaagidda Dowladda Soomaaliya iyo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Ciidamada Mareykanka ee ugu dambeeyay ayaa gudaha Soomaaliya galay sanadkii 2007-dii, howshooda ugu weynna waxay ahayd in ay ciidamada dowladda federaalka ka caawiyaan dhinaca tababarka.

Hase yeeshee, ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ayaa dilay tiro ka mid ah hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab oo ay ku bartilmaameedsadeen weerarro loo adeegsaday diyaaradaha uusan duuliyaha saarneyn, maraakiibta gantaallada tuura iyo xitaa diyaaradaha qumaatiga u kaca oo weerarro qorsheysan fuliyay.