Ciidamada Itoobiya Oo Qabsaday TPLF Magaalada Taariikhiga Ee Lalibela

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay dib ula wareegeen magaalada taariikhiga ah ee Lalibela oo ay gacanta ku hayeen fallaagada Tigreeda ee TPLF.

Qabsashada magaaladaasi ay qabsadeen ciidamada dowladda ayaa noqoneysa guushii ugu dambeysay ee ay dowladdu sheegato tan iyo markii todobaadkii hore uu ra’iisalwasaare Abiy Axmed u baxay furimaha hore ee dagaalka si uu u hoggaamiyo hawlgalka ciidamada.

Jabhadda Tigreeda ee TPLF ayaa sheegtay in xeelad dagaal uga baxeen meelo gaar ah oo ay ku jirto magaaladan laga qabsaday.

Magaalada Lalibela oo caan ku ah kaniisadaha dhagxaanta gudahooda laga dhisay, ayaa bishii Ogosto waxaa la wareegtay fallaagada TPLF.

Magaaladaasi oo ay hay’adda Qaramada Midoobey ee UNESCO u aqoonsatay mid taariikhi ah ayaa ku taal gobolka Axmaarada ee dalka Itoobiya, waxa ayna ahayd goob loo dalxiis tago ka hor intii aysan qarxin colaadda dalkaasi muddo haatan laga joogo sanad.