Ciidamada Itoobiya Oo Galay Gudaha Magaalo ay Horey U Heysteen Jabhada Tigray

Ciidamada dowladda Itoobiya ayaa gudaha u galay magaalada Adigrat ee ku taalla waqooyiga halkaasoo ay heysan jireen fallaagada Tigray.

Dadka deegaanka ayaa BBC-da u sheegay in ciidamada ay gudaha u galeen magaalada iyagoo lugeynaya halka qaarkoodna ay saarnaayeen basas iyo baabuurta militeriga.

Fitsum oo ah kamid dadka deegaanka ayaa sheegay in xaaladda magaalada ay deggan tahay, waxa uuna yiri: “Markii hore waxaan dareenay cabsi la xiriirta wixii hore halkan uga dhacay balse wax dhibaato ah ma dhicin”.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dowladda Itoobiya ama mas’uuliyiinta Tigray oo ku aadan ciidamada gudaha u galay magaaladan.

Ciidamada dowladda ayaa lagu wadaa inay la wareegaan saldhigyada militeriga iyo xarumaha kale ee amniga.

Qeybo kamid ah Tigray waxaa dib loogu soo celiyay adeegyadii korontada, isgaarsiinta iyo bangiyada kadib heshiiskii dhexmaray dowladda iyo Tigray kasoo lagu soo afjaray colaadda.

(Visited 7 times, 1 visits today)