Ciidamada Eritrea Oo Dib Ugu soo Noqday Dagaalka ka Socda Tigrey Iyo Weerar Saaka Dhacay

Ciidamada federaalka Itoobiya oo gacan ka helaya ciidamada dowladda Eritrea ayaa la sheegay in saakay duulaan culus ku qaadeen deegaano katirsan gobolka Tigrey ee Waqooyiga dalka Itoobiya.

Afhayeenka ciidamada Tigrayga, Getachew Reda, ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya iyo kuwa Eritrea oo is garabsanaya weerar culus saakay oo khamiis ah kusoo qaadeen deegaano dhaca gobolka Tigrey.

Waxa uu sheegay afhayeenka in ciidamada federaalka iyo kuwa Eritrea weerar ballaaran oo afar jiho ah ku qaadeen degaanka Adyabo oo katirsan gobolka Tigrey,waxa uuna sheegay in ciidankooda iska difaacayaan duullaanka lagu soo qaaday.

Dowladda Itoobiya ayaan wali ka hadlin warkan kasoo baxay jabhada TPLF ee dagaalka kula jira ciidamada federaalka, waxa ayna diideen in ay ka hadlaan afhayeenada dowladda ee inta badan ka hadla howlgalada socda.

War kasoo baxay dowladda Itoobiya shalay oo arbaco aheyd ayey ku eedeeyeen kooxda TPLF in ay soo qaadeen weeraro dhoor jiho ah, waxa ayna dowladda sheegtay in ay ka shaqeenayaan sidoo loo soo afjari lahaa kooxda TPLF .

(Visited 10 times, 1 visits today)