Somaliland Oo Xabsiga Dhigtay Maamulihii Tv-ga Horyaal Ee Hargaysa Lana Wareegtay Xaruntii Tv-gaasi.

Ciidanka Amniga Somaliland ayaa xalay la wareegay xaruntii Telefishanka madaxa banaan ee Horyaal,isla markaana shaqaalihii joogay ka soo dareeriyey.

Talaabadan ayaa ka dambeeyey ka dib markii Telefishanku baahiyey barnaamij ka hadlaya dumarka Qayila, taas oo dumarku aad uga xanaaqeen,isla markaana ku tilmaameen barnaamij la buunbuuniyey oo matalaad ah, balse aanay jirin dumar goob lagu qayilo leh oo warbaahinta ka hadli kara.

Maalmihii u dambeeyey ayaa arrimahan laga hadlayey, waxaana dadweynuhu ku weerareen baraha bulshadda telefishanka.

Illaa hadda si rasmiya ugumay hadal dawladdu sababta loo xidhay telefishanka Horyaal.