Caro ka Dhalatay Booliska Brazil Oo Haweeney Madow ah Qoorta Kaga Joogsaday.

Laba askari oo ka tirsan boolis milatariga magaalada Sao Paulo ee dalka Brazil ayaa lagu soo oogay dacwad kaddib marki talefishiin laga baahiyey muuqaal muujinaya iyaga oo haweeney madow ah qoorta kaga joogsaday.

Haweeneyda dhibbanaha ah oo ay da’deedu tahay dhexdhexaad oo ah mulkiile ka ah goob lagu caweeyo xilliga xadgudubka loo geysanayey gacmaha ay ka xirneyd.

Muuqaalka waxaa duubay qof goob joog u haa dhacdaadaasi oo dhacday bishii May ee sanadkan.

Barasaabka gobolka Joao Doria ayaa sheegay inaysan u dul qaadaneyn xadgudubyada noocaasi ah, labadi askarina shaqada laga eryey, balse magacda labada askari muu shaacinin.

Barasaabka ayaa intaa ku daray 2,000 oo ka mid ah askarta booliska ka howl gasha magaalada Sao Paulo in lagu qalabeeyey kaameerada labbiska askariga lagu xiro.

Muuqaalkaasi ayaa dalka Brazil caro ka abuuray iyada oo dhacdadaasi lala maseeyey dilki naxariis darrada ahaa ee ay booliska Mareykanka 25-kii bishi May Minneapolis ugu geysteen George Floyd.

Muuqaalkan ayaa u eg kii laga duubay Floyd kaasoo muujinaya askariga oo qoorta jilibka kaga hayo iyo isaga oo leh waan neefsan la’ahay, waxaana dilkii Mr Floyd ka dhashay mudaharaadyo rabshada wata oo ka dhaca dalka Mareykanka