Cabdilaahi Jawaanow somalidu waxay tidhaahdaa,Doqoni xin mooyee ,xisaab ma taqaan. Waxba haku meereysan saamiga reer Awdal…By Maxamed jeex

Cabdilaahi jawaan beryahan wuxuu ku hadaqaa hadalo xanaf iyo xumaan xambaarsan,waan ognahay inaad adiga iyo beeshaaduba aad haysataan kuraas siyaado ah waxa ku gubaayana waa kaas laakiin ogow inaan sidaa aan la,iskaga hadhayn.

 waa hadal murtiyeed, jawaabtiisu ku socoto cabdilaahi jawaan oo inta badan xambaarsan waayo aragnimo ama dhacdo qof soo martay Kadibna uu ka reebo erayo xikmadaysan oo cabiraya dhacdadiisa saamayna ku leh nolol maalmeedka bulsho waynta uu af ahaan iyo dhaqan ahaanba ka tirsan yahay. 

Cabdilaahi jawaan wuxuu indhaha iska tirey in maanta caasimada labaad ee JSL ay tahay magaalada borama taasna waxaa markhaati u ah dhamaan umada soomaaliyeed meelkasta oo ay joogtaba markaa waxaan leeyahay iska hadlo ina igire weeyi sheekadaadu.

Hadalka cabdilaahi jawaan waxaan odhan lahaa waxaad  ku jirtaa dadka aad loogu tilmaamo inay leeyihiin caadifad qabiileed mid qabyaleed,mid xaasidnimo , mid xumaaneed, mid Bilaa karaama ah mid aan dan u ahayn dalka iyo dadkaba cabdilaahi jawaan wuxuu ku hadlayaa  oraahyo bilaa nuxur   Ah  oo xambaarsan ereyo aan macno  xeel dheer, ku fadhiyin weyne jiraan inta badan  dad isticmaala luqadaa xamaasada wadataa sida taa cabdilaahi jawaan oo kale…

Cabdilaahi jawaan waxaan kula talinayaa ,Balaayo madax la qabtay leedahaye minjo la qabto ma laha.hadaad aqli leedahay jawaanow BORAMA & BURCO ismaad soo garabdhigteen,waxay ahayd inaad indhahaaga ku soo aragto labada magaalaba ayaa kuu fiican intaadan hadlin.

Hadaladaada waxaa ku badan ingiriiska ayaa sidaa wax u qaybshey hadaba waxaan ku leeyahay waxaad ilowsan tahay in ingiriisku kolba ka la shaqeeya uu sadbursi u sameeyo markaa ma waxaad ku faaneysaa uk Ayaan basaas u ahaa ,waa wax laga xishoodo inaad maanta ku faanto gaalada Ayaan u shaqeynjirey.

Ceebtaada oo ay kow ogtahay, kun looma sheego.cabdilaahi jawaan markii hore ceebtaada waxaa ogaa dad kooban maantana waxaa ogaadey dhamaan shacabka reer SL inaaad tahay ninka aan kor ku soo sheegey wuxuu yahay ,umada reer Awdalna wey ku ogaatey xumaatada aad u hayso ee halkaa  kawada waxaad ka hesho Ayaan eegeynaaye.

By Maxamed jeex

Maxamed-1970@ Hotmail .com

JSL Borama.