Buuq Ka Dhashay Khudbadii Salaad Cali JeeleEe Shirka Mudulod Iyo Cali Mahdi Oo Ka Odoyeeyey.

Salaad Cali Jeelle oo ka mid ah siyaasiyiinta sida weyn u taageera madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kuna magacaaban la-taliyihiisa, ayaa waji gabax kala kulmay shirka beelweynta Muddullood oo saakay ka furmay mowlaca Macallin Nuur ee magaalada Mudisho.

Salaad Cali Jeelle oo jadwalka dadka hadlayay ka mid aheyn ayaa dalbaday in fursad loo siiyo labo kelmad, waxaana markii uu hadlay qeylo iyo sawaxan kala horyimid dadweynihii ka qeybgalayay shirka iyagoo codsaday in makroofanka laga qaado, markii uu soo hadal qaaday qorshaha doorashada qof iyo cod ee Farmaajo ku adkeysanayo.

Cali Mahdi Maxamed ayaa fadhiga kasoo kacay, isagoo dadkii qeylinayay ku dejiyay in Salaad Cali Jeelle uu yahay shaqsi ka dhashay beesha Mudullood, xaqna u leeyahay inuu ka hadlo fikirkiisa, dadkiina wuxuu ka codsaday inay dhageysteen hadalkiisa oo ay joojiyaan buuqa iyo foorida.