Burundi Oo Shaacisay Tirada Ciidamada Looga Dilay Weerarkii Shalay Ee Alshabaab.

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxay weerar maalintii shalay [Axad] lagu qaaday kolonyo ay la socdeen ciidamo ka tirsan howlgalka midowga Africa AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi oo ku safrayay waddada xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar.

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidammada Burundi oo ku sugan magaalada Bujumbura ayaa AFP u sheegay in 12 kamid ah ciidammada Burundi ee nabad ilaalinta u joogo Soomaaliya la dilay halka lix kalena lagu dhaawacay, kaddib markii weerar isugu jiray Qaraxyo iyo mid toos h lagu qaatay gaadiidkii ay la socdeen ciidamada.

Laakiin Ururka Al-shabaab oo weerarkan ka danbeeyay ayaa sheegay in ay dileen ilaa 14 askari oo ka tirsan ciidamada Burundi ee qeybta ka ah AMISOM.

Ciidamadan oo ka yimid magaalada Jowhar ayaa ku soo socday magaalada Muqdisho, hasse ahaatee weerarkan ayaa ku qabsaday deegaan lagu magacaabo Garas Deelle oo ku dhaw degmada Balcad.

Waddada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar ayaa waxaa ka dhaca weerarro joogta ah oo Al-shabaab ay ku qaadaan mas’uuliyiinta, ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee waddadaa adeegsada.