Borama Oo Noqotay Magaalo Kala Dooratay Cabsida Corona & Cibaadada Ramadaanta.

Boorama waxa ay Ramadaantu ugu bilatay jawi rooban oo lagu qabawsaday, milicdii cadceeda ee kulaylayd waxa hadheeyay daruuro cullan oo midhidh walba la filayo inay hooraan, siigadii dhulka waxa nabay biyaha roobka ee aanay cidi ka faaiidaysan ee balalayada ku qulqula, waxana loo soo toosay dhulka oo qurxoon oo qashinkii ay dawlada hoose iyo shirkadaha xashiishka ee tabarta yaraa ay dayaceen aanu oolin, waxana ay jawiga ay ramadaantu ku bilatay dad badan ku micneeyeen mid mahad Eebe ku yimid waqti uu dalka iyo dadkuba cabsidii caabuqa covid-19 ay ka tahay mid wali taagan.

Cibaabada, dadka ku dhaqan Boorama waxa ay kala siman yihiin muslimiinta kale, gaar ahaan Soomaalida oo masaajidu waxay la kawsadeen camirnaan ka badan tii hore oo Salaadaha Jamaca ah iyo Taraawiixdaba meel cidhib la saaro ma leh masaajidu.

Suuqyada waxa la moodaa in sidii hore ay ka camiran yihiin, galinka dambe ee maalintii waa la isku soo baxaa oo dad badan oo kala dano ah ayaa suuqyada ka dukaansada, waxana saxmada ka muuqata ay muujinayeen in Boorama ay tahay magaalo ka mid ah kuwa ugu dadka badan Africa. Ganacsiga qudaarta, saambuusaha iyo afurka, jaadka iyo adeegyada kale ee bakhaarada ayaana ahaa meelaha ugu mashquulka badan.

Camirnaanta suuqyada iyo masaajida, isku soo baxyada dadka ee afurka ka hor iyo kadib, dhalinyarada ku kulmaysa maqaaxiyaha laga qaxweeyo oo la moodo inay siii hore ka badan yihiin iyo gaadiidka dadwaynaha ha noqoto bajaaj ama basasba’ oo iyaguna ah kuwo sidii hore ka dhaq-dhaqaaq badan dadkuna ay raxan –raxan u raacayaan ayaa ku tusaya in Boorama ay tahay magaalo dib u siraadantay oo u muuqata in laga dul qaaday intii badnayd xayiraadihii dhinaca kala fogaynta bulshada ahaa ee la soo rogay si looga gaashaanto caabuqa coronavirus faafitaankiisa.

Dhinaca kale, Xaalkan Boorama ee maanta ayaa ku tusaya laba arimood oo mida koowaad tahay in bulshadu ay ku dhagan tahay dhaqan iyo caado fog oo iska indhatiraya xaqiiqda jirta ee caabuqan corona, naftana u sheegaysa khuraafaad salka ku haya in caabuqan aanu islaamka ku dhicin, amaba uu yahay mid aan gudaha Boorama jirinba, halka ay arinta labaad tahay mid iftiiminaysa sida ay xilsidayaasha bulshadu uga gaabiyeen in ay bulshada u iftiimiyaan in halista faafida caabuqan corona ay tahay mid wali taagan, loona baahan yahay in loo hogaansamo awaamiirtii dawlada dhexe, hadii ay suuroobi wayday in loo hogaansamana ay qasab iyo awood dawladeed ku fuliyaan si bulshada loo badbaadiyo.

Si kastaba ha ahaatee, arintu waa laba kala daran kala dooro, dadku way ka dhaga adaygayaan in ay gurayaha ku nagaadaan si ay uga badbaadaan halista coronavirus oo waxa ay ka doorbidayaan inay dambidhaafka bisha soon hantiyaan, dawaladuna waxa ay u muuqataa mid marka hore-ba ku guul daraysatay in ay bulshada u sheeto inta ay leegtahay halista faafifaanta caabuqan gudaha ka jirta, iyo inay qirto in itaalkii dawladnimo ee dhinaca fulinta awaamiirta ay soo saartay ah inuu yahay mid aan xan ahayn balse xaqiiqdu tahay inuu liito. waxana xaalkan midi-midi ku taagta ah uu gundhigiisu yahay aan arinteena sii wadano inta aan arkayno itaalka coronavirus iyo inta uu inga dilo”


Alle’se ha sahlo Amuurama

(Visited 2 times, 1 visits today)