Boqor Cismaan Oo Tacsi U Diray Qoyska AHUN Caaqil Saxane Oo Maanta Lagu Aasay Borama.

Boqor Cismaan Xirsi ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska iyo qaraabada uu ka baxay AHUN maxuum Caaqil Muuse Xuseen Faatax oo ku magac dheeraa (Saxane) oo maanta lagu aasay magaalada Borama.

Boqorka oo ay saaxiibo dhaw ahaayeen Marxuumka islamarkaana kasoo wada shaqeeyay dhaqanka beelaha gobolka Awdal ayaa Alle uga baryay inuu naxariistii jano ka waraabiyo Marxuumkaasi, waxuuna sidoo kale qoyska qaraabada iyo asxaabtiiba Alle u waydiiyay inuu samir iyo iimaan ka siiyo