Boowe Aashaa: Mid ka mid ah Dhibta ay Isku Qabaan Soomaalida iyo Socdaalka Hawadu

Mar kasta oo aan u kala safrayo magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa waxa aan adeegsadaa shirkad gaar ah. Shirkadaasi dhibaaato wayn bay qabtaa; xilliga ku qoran tigidhka ee sheeegaya in ay kici doonto saacad ka dib ayay duushaa. Tusaale ahaan; 1300 duhurnimo haddii ay ku qoran tahay ku talo gal in ay 1400 duuli doonto. Taas macneheedu waa in aad muddo saddex saacadood ah Airportka sii joogi doontid. Goor aad kursigaba aad halkaa isku sii eeddeen ayaad kii diyaaradda fadhiisan doontaa. Mar aan toyday waxa ay ii sheegeen in dhibtu dadka tahay oo yimaadda xili dambe, Sidaana ay xal moodeen. 
 
Dhawaan ayaan goostay in aan iska badelo. Shirkad kale oo hor leh ayaan tigidh ka goostay. Iyana ma dhib yara! Tigidh kii ayaan eegay. Waxaa ku qoran in ay duuli rabto 01:00 duhurnimo isla markaana ay degi doonto 04:30 galabnimo. Yaab! Waan ku war celiyay. Waxaan u sheegay in aanan India u soconin ee aan Hargeysa aadi rabo! Wuu igu qoslay uun! Hargeysa iyo Muqdisho waxa ay diyaaraddu u kala socotaa saacad iyo daqiiqado. Haddana waxa aan u qaadan la’ yahay waxa aanu saddex saacaddood iyo badh aanu hawada ka qaban doonno! Arag oo dhaaf ayaa ka dhacday.
 
Markii diyaaraddii aan galay, ayuun buu mid ka mid ah shaqaalihii markii aan albaabka ka galayay I waydiiyay “Ma Boosaaso ayaad u socotaa?”. Waaniga ku idhi “mayee Jabuuti!” Anigu waan ku maadsanayaa uun. Diyaaradda waxa aan u haystaa in ay Hargeysa u socoto. Waxa aan sitaa laba boorso oo mid tahay tii garabka, midda kalena tahay mid yar oo toban ilaa saddex iyo toban kiilo ah oo aan ugu talo galay in aan diyaaradda la fuulo. Tii aan jiidayay ayuu iga codsaday in aan u dhiibo. Waxa aan si xushmad leh uugu sheegay in uu iga raali ahaado oo aan anigu kursigayga Meesha loo qoondeeyay aan saaran karo. Waxa uu igu qanciyay in uu isagu meel ii dhigi doono. Diyaaraddu waa nimoowba meeshaad soo gaadho (free seating). Markaa waxa aan ku ixtiraamay taladiisa, waanan uga tagay.
 
Intii aanan dabadaba kursiga la helin ayaan ogaaday in diyaaraddu ay Boosaaso sii marayso. Rakaabkii oo qaar u socda aanu kursi-daris noqonay ayaa ii sheegay. Yaab! Miyaanay lama arag ahayn? Wax yar markii aan dadkii iska warsanay nidaam xumada jirta, dhinacna dadkii isku habaynayaan in ay kuraastooda iyo boorsooyinkooda isku habaystaan Ayaan sheed ka arkay shandadaydii – iyo dabcan qaar kaleba – oo diyaaradda albaabkeeda laga sii saarayo. Waan kacay oo wiilkii u tagay. Kuye anagaa meel kuu dhigayna. Shandadaydu sumad (tag) malaha aan ku aqoonsado. Waxa aan ka baqay in Boosaasoba lagu dajiyo!
 
Muran dheer ka dib gabadh wanaagsanayd oo shaqaalaha ahayd ayaa shandaddii ii keentay, ka dib markii aan ku qanciyay in aan shandada shalay (Maalintii duulimaadka ka horaysay) aan soo iibsaday si aan uga baxsado dhibaatada alaab iga raagta amaba aan waayo oo aan caan ku noqon gaadhay. Waxa ay ii sheegtey in aanan warwareen oo shandadayda lagu ridi lahaa qaybta khaanadda alaabta dadka Jabuuti u socda oo aanay waxba iga xumaadeen! Waa jawaabtii aan ku maadsaday markii aan diyaaradda soo galayay. Shaw isagu wax buu uga gol lahaa. Shaw waan iska idhi uune diyaaraddu Jabuutina way u socotaa! Miyaanan mar kale haddana alaabtii Jabuuti ka doonan gaadhin. Allow Alle! Shandadda oo buluug ahayd ayuu markii aan sii xeraynaayay mid rakaabka ahi igula kaftamay, waar tani waaba calankii oo halkaa joogee miyaad iska rartid si aanad liinta u cabin. Waxaan u sheegay in boorsada yar ay macawsi iigu jirto marka Hargeysa la gaadho aan ku duubi doono!
 
Si kastaba ha ahaatee, waxa madaxa iga wayneeyey ee aan u qaadan waayay waxa ay ahayd in safarka aan gali doono xog culus oo lama huraan ahi iigu laabnayd. Kursigaa marka aan fadhiyo; waxa lacagta la iiga qaaday waa in laba shaqo oo isku xidhan la iigu qabto (1) in Meesha aan u socdo la i geeyo, (2) aniga oo — Ilaahaybaa wax bad baadiya’e — bad qaba. Waxa aan u arkay khiyaano la sameeyo tii u waynayd in diyaaradda aan saaranahay aanan ogayn meesha ay u jihaysan doonto! In ay Laba jeerna kici doonto laba jeerna fadhiisan doonto waa arin kale. Anoo og intaa in aan diyaaradda soo galaa saw may qumanayn? 
 
Anigoo taa u qaadan la, ayaan ku qasbanaaday in aan dadka wax la qabo. Diyaaraddii duushay. Magaaladdii marinkeedu ahaa ku degtay. Wixii rakaab ahaa dage. Waxaanan ilaawi karayn sidii hooyo soomaaliyeed oo waayeel ahi ay u sii maca salaamaysay ee ugu sii ducaysay rakaabkii diyaaradda ku hadhay, iyada oo qof kasta oo kale uu hawshiisa watay. Waxaan nin aanu is ag fadhinay aanu isla garanay in dadka Soomaalida ah qofba qofka uu ka wayn yahay in uu ka dun wanaagsan yahay in ay hooyaddaasi markhaati u tahay. Xili qof kastaa tiisa ka fekerayay ayay iyadu dad kale oo aanay aqoon u lahayn xusuusatay, maca salaamaysay oo u sii ducaysay. Xagee laga helayaa gobanimada caynkaas ah maantoo kale? 

Qolooyinkayagan dambe ee ilbaxa noqday ayaa marka laba is taqaanaa is maca salaamaynayso (laba aan is aqooni iyagu shaqoba iskuma darsadaane) waxa ay yidhaahdaan“take care!”. Waa marka aynu gacanta ku sawira is leenahay hadhka nolosha iyo dhaqanada galbeedka inagaga soo faruurmay. Teena aynu lahayn ee aynu ka tagnayse tanay ahayd. Hooyadaasi salaan, duco, iyo nabad galyayn qaadatay qadar daqiiqad ah ayay nala dul joogsatay. Yaa salaam! Waa sidii aynu ahaan jirnay! Caajiskii iyo madax xanuunkii safarkaba intaasaa iga fujisay oo aan ku ilaaway.
 
Aan soo noqdo’e, Waxaanu ku xasilnay madaarkii Boosaaso. Diyaaraddu dadka ay siddaaba Hargeysa ayay u socdaan badidood. Sida wiilal iiga aqoon roonaa shaqadani ii sheegeen in shirkadu rabto in ay ku khamaarto sidii ay marin cusub oo suuq cusub abuura ay u samayn lahayd way dhici kartaa. In arimo siyaadadeed oo hoose kalifayaanna waa qarka. Yeelkadeeda! 
 
Cabaar markii aanu joogno, ayaa Waxaa diyaaraddii soo galay qolo aan u maleeyey in ay ahaayeen shaqaalihii garoonka u fadhiyay shirkadda. Waxa ay tiro ku bilaabeen in ay ku kowkabiyaan kuraastii faaruqa ahaa. Markii ay dhmaysteen ayay iska baxeen. Mar kale ayay soo laabteen. Markanse hawl kale ayay keeneen.
 
Waxaa diyaaradda saaran hooyooyin Soomaaliyeed oo daadihinaya ubad. Mid ka mid ah hooyooyinkii ayay ku bilaabeen in ay shukaamiyaan. Waxa ay rabaan in ay ku qanciyaan in ay ilamaha yar dhabta ku qabsato, si kursiga u banaanaan doona ay u lacagaystaan. Hadda garo hooyadu tigidh buuxa ayay ka soo bixisay ilmeheeda iyo kursiga midba. Gir iyo gir! Waxa iga yaabisay sida ay ugu sakhirayaan in ay iska caadi tahay haddii ay ilmaha dhabta saarato. Waa caqligii oo intuu dhakaddii ka soo guuray halkan hunguriga soo yuurursaday waxa talinayaa. 
 
Dhawr qof oo ay ahaayeen waa kuwan isku qaybiyay rakaabkii wixii ilmo watay. Haweenkeenu qalbi nugulaa! Qaar wayba ka yeeleen. Qaarna ka diideen. Wiil gadaashayda fadhiyay oo inantiisa oo meelahaa laba jir ah wata oo intii diyaaradu fadhiday dhabta ku qabsaday hala soo dul dego isna. Shaw kursigaba mar hore ayaa la sii sahansaday oo tiro la gashaday. Waa tan qof sidii awr la hogaanimayo farta loogu fiiqay kursigii. Waatan la isla oogsaday. Yaab! Diyaaraddiiba wax kale ayay isku rogtay. Saylad baad mooday siigadu ka kacayso. Waxaa dedaal badan samaysay gabadha shaqaalaha ahayd oo marka ay ka tagaanba u sheegaysay in aanay aqbalin.
 
Haddaba, Magaaladan Boosaaso oo ah magaalo wayn oo taariikh fogna leh, wax dhaafsiisan kama aqaan kalmed ay adeegsadaan oo uu I baray nin deegaanka ah oo aanu mar shaqo wadaag ahayn. Taasoo ah “Boowe Aashaa!” oo macneheedu yahay; boowe, is dabar, is maaree ama xeeladayso. Waa halka reer Xamarku ka yidhaa “Magaalo, Joogis bay kaa rabtaa!”
 
Markii diyaaradii xanfalay qabsatay ee aan xataa Kursigaygii u yaabay ayaan hoos hoos u idhi… “Alleylehe, Boowe Aashaa!” 
 
Markii aan 1:00 duhurnimo Muqdisho ka soo baxay, waxa aan Hargeysa soo gaadhay 5:30. Waxa aan ka cabanaayay hal saac. Miyaanay ii dhalin saddex kale iyo waliba nus. Eesh qiyaasak! Wax badso, baa la yidhi, wax beel bay dhashaa!

 
Qalinkii: Cabdirisaaq Saalax
Tel: +252634466677
EMail: abdirasaksalah@gmail.com

 
F.G. Macno wayn kuma jiro sheegista magacyada shirkadaha!