Booliska Uganda Oo Ku Guul-daraystay Inuu Xidho Siyaasiga Qoorta Kaga Maran Musaveni.

Ciidamada Booliska Uganda ayaa isaga baxay guriga uu leeyahay siyaasiga heesaaga ahaa ee mucaaridada xoogan ku haya madaxwayne Musaveni ee Bobi Wine oo ay hareereeyeen maalintii arbacadii.

Ciidankan booliska ah ee gurigan hareereeyay ayaa ujeedadoodu ahayd inay Bobi Wine ka horjoogsadaan inuu ka qayb galo ruwaayad uu isagu aboobulay oo la dhigi lahaa maalinta xorriyadda Uganda, inkasta oo uu siyaasigan guriga ka baxay markii dambana uu meel kale ku qabtay shir jaraaaid oo uu ku cambaareeyay falkaasi.

Muuqaal muujinayay Wine oo mooto kaga raacaya meel gurigiisa aan ka fogayn ayaa la baahiyay si wayna loo wadaagay.

“Waxa aan ka qaadnay xayiraadii aan saarnay guriga, kadib markii aan xaqiiqsanay in aanay qabsoomayn ruwaayadii sharcidarada ahaye ee uu qorshaynayay inuu qabto ninkan” ayuu yidhi afhayeen lagu magacaabo Patrick Onyango oo booliska u hadlay.