Booliska Soomaaliya oo Sheegay Iney Qabteen Shan Qof Oo Dil ka Geystay Muqdisho.

Taliska Ciidanka booliska Soomaaliya, ayaa ka hadlay howlgallo ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho, kuwaasoo lagu soo qabtay 6 ruux oo ku eedeysan dilal ka dhacaya degmooyinka gobolka Banaadir iyo xubin Shabaab ah.

Taliye Kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya, ahna Afhayeenka laamaha amaanka Jeneraal Zakiya Xuseen Axmed, ayaa Warfidiyeenka u sheegtay in degmooyinka Wadajir iyo Hodan laga soo qabtay 5 ruux oo loo heysto dil ay ka geysteen Wadajir.

Waxa ay sidoo kale sheegtay in howlgal kale oo ka dhacay degmada Hodan lagu soo qabtay xubin ka tirsan Al-Shabaab, kaasoo haatan Su’aalo lagu weydiinayo mid kamid ah xarumaha ay wax ku baaraan laamaha amaanka ee dowladda.

Jeneraal Zakiya, ayaa dhinaca kale shacabka ka dalbatay iney Ciidamada kala shaqeeyaan sidii loo xaqiijin lahaa amaanka, loogana hortagi lahaa falalka ka dhanka ah Nabad gelyada ee ay sameeyaan Kooxaha dowladda ka soo horjeeda.

Taliye Kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya, ahna Afhayeenka laamaha amaanka Jeneraal Zakiya Xuseen Axmed oo wariyayaasha u diiday iney wax Su’aala ah shirkeeda ka weydiiyaan, ayaan soo hadal qaadin Saddex Nabadoon oo ergadii Xildhibaanada soo dooratay kamid ahaa, kuwaasoo lagu kala dilay degmooyinka Dharkiinleey, Yaaqshid iyo Howlwadaag iyo sidoo kale qaraxyo ka dhacay Muqdisho.

Leave a Reply