Booliska Oo ka Hadlay Somali Dil Bareer ah Loogu Geystay Jarmalka

Boliiska dowlada Jarmalka ayaa Saxaafadda u sheegay in nin Soomaali ah oo 43 sano jir ah uu wax mindi ama dhalo u eg ku dilay nin oday ah oo 79 sano jir ah magaalada Ludwigsburg.

Saraakiisha Booliska ma sheegin magaca ninkan Soomaaliga ah ee dilka geystay oo hadda xiran.

Sababta uu u dilay weli lama oga hase ahaatee Booliska ayaa sheegay in Baaritaan xooggan uu weli socdo, ayna muuqaalo caddeymo ahaan ay dad meesha joogay u duubeen.

Ninka 79 sano jir ah ee la dilay ayaa la sheegay inuu yahay qof cadaan ah oo u dhashay dalka Jarmalka.

Soomaalida ku nool Jarmalka ayaa lagu qiyaasaa iney badan yihiin 70 kun oo qof, kuwaasoo intooda badan ku galay dalkaas qaab tahriib ah.