Booliska Muqdisho Oo Dhulka Jiid-jiiday Wariyayaal Duubayay Mudaharaad ka Dhan ah Dilka Ikraan Tahliil

Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaliya ayaa waxaa ay rasaas ku kala eryeen dad ka banaanbaxayay arrinta Ikraan Tahliil oo ka tirsaneyd Saraakiisha Hay’adda NISA oo Nabadsugida Soomaliya ay sheegeen inay dileen Al-Shabaab, balse Al-Shabaab ay iska fogeeyeen.

Dadka ayaa ku banaanbaxayay Isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho, waxaana goobjoogayaal sheegeen in mar qura ay goobta tageen oo dadka ay rasaas ku kala eryeen Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale muuqaalo lagu baabiyay Baraha Bulshada lagu arkay in Ciidamada ay dhulka lu jiidayeen Wariye ka tirsan Idaacadda & Tv-ga Goobjoog kaas oo lagu Magacaabo Bashiir Maxamuud.

Dhacadadaan ayaa waxaa ay kusoo aadeysaa xilli Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu maanta la kulmay Qoyska Ikraan Tahliil oo ay kujirto hooyadeed, isla markaana uu u sheegay inay cadaalad heli doonto Gabadhooda.

(Visited 1 times, 1 visits today)