Booliska Kenya Oo Meydad ka Helay Webiga Tana River.

Qoysaska shakhsiyaad la la’ yahay ayaa ku qulqulaya xarunta meydadka lagu keydiyo ee ismaamulka Garissa, gobolka Waqooyi-bari Kenya, iyagoo baadi goobaya 11 meydad ah oo ay booliiska Kenya ka soo saareen Webiga Tana River.

Xarunta ayaa sheegtay in gelinka dambe ee maanta meydadkan lagu sameyn doono baaritaannada dhiigga DNA, iyadoo la sugayo inuu Nairobi ka yimaado dhaqtar boolis ah.

Booliska ayaase sheegay inay adag tahay aqoonsiga meydadka maaddaama ay qaarkood qurmeen, muuqaal ahaan uu wejigooda isbedelay.

Dadka lala yahay waxaa ka mid ah Prof. Cabduwahab Shiikh Cabdisamad oo ka tirsan aqoonyanada Soomaalida oo lagu afduubtay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya dabayaaqadii todobaadkii hore

Koox hubeysan oo watay gaari ayaa magaalada Nairobi ka watay maalintii Arbacada, ilaa hada nolol iyo geeri midna laguma hayo.