Booliska Hong Kong Oo Xabsiga Dhigay Mulkiile Warbaahineed Oo U Dhaqdhaqaaqa Dimuqraaddiyada

Booliska Hong Kong ayaa xabsiga u taxaabay nin lagu magacaabo Jimmy Lai, oo caan ku ahaa u dhaqdhaqaaqida arrimaha Dimuqraaddiyadda, kaasoo sidoo kale mulkiile ka ahaa mid ka mid warbaahin ka howl gasho dalkaas.

Lai ayaa xabsiga loo taxaabay Aroornimadii hore ee maanta isaga iyo ugu yaraan lix qof oo kale, oo dhammaantood loo heysto inay ku xad gudbeen sharciga u yaalla qaranka.

Ninkan ayaa waxa sidoo kale lagu tuhunsan yahay inuu wadashaqeyn qarsoodi ah la lahaa waddan shisheeye.

Mr Lai ayaa la aaminsan yahay inuu noqonayo qofkii ugu caansanaa ee loo xiro arrimo la xiriira sharciga waddankaas.