Booliska Chile Oo Eyda U Tababaraya Inay Uriyaan Dadka Qaba Cudurka Coronavirus.

Booliska waddanka Chile ayaa bilaabay in eeyo ay u tababaraan sidii ay u urin lahaayeen dadka qaba cudurka Covid-19.

Eeyaha wax uriyo ayaa loo adeegsadaa howlgallada ka dhanka ah daroogada iyo qaraxyada iyo sidoo kale baadi goobka dadka lagu raad joogo.

Qorshaha ayaa ah in meesha lagu gaaro bisha Agosto in eeyaha la geeyo goobaha laga raaco tareenada iyo garoomada diyaaradaha si ay u uriyaan dadka qaba cudurka isla markaana loo ogaado.

Sidoo kale, waxaa tijaabadan bilaabay ha’yad samafal ah oo fadhigeedu yahay UK taas oo sheegtay in haatan ay tijaabadu meel wanaagsan u mareyso.
Xigasho BBC