Booliiska Somaliland Oo Xabsiga Dhigay Wariye Naciima Oo ka Hawl-gasha SOMNEWS TV.

Ciidamada Amaanka ee Somaliland ayaa Hargeisa ku xidhay weriye Naciima Cabdiraxman Yuusuf oo ah Suxufiyad madax-banaan, mudo 5 sanno ahna ka hawlgalaysay Telefishanka SOMNEWS TV.

Suxufiyad Naciima ayaa la xaqiijiyey inay ku xidhan tahay xarunta Danbi-baadhista ee Hargeisa (C.I.D), ilaa hada lama oga sababaha loo xidhey.

Naciima oo ah Hooyo haysata 4 Caruur ah ayaa laga soo xidhey Hoygii ay Hargeisa ka deganayd, goor habeenimo ah iyadoo aan haysan wax ogeysiis ah, sida ay xaqiiyeen qaar ka mid ah eheladeedu.

Xadhiga Niciima, ayaa ku soo beegmaya xili ay xarunta C.I.D-da ee Hargeisa ay ku xidhan yihiin laba Suxufi oo ka hawlgalayey Telefishanka SOMNEWS TV, kuwaas oo todobaad u xidhan baadhis aan la ogayn waxa ay salka ku hayso, kuwaas oo kala ah Weriye Mohamed Koronto iyo Sawir-qaade Mahdi Siyaad.

(Visited 15 times, 1 visits today)