Booliiska Canada Oo Lacag Dul-dhigay Nin Somali ah Oo ay Baadigoobayaan

Ciidamada booliiska dalka Canada ayaa baadigoob xooggan ugu jira nin asalkiisu Soomaali yahay, balse heesta dhalashada dalkaasi, kaa oo loo heesto in uu ku lug lahaa weeraro dhimasho sababay oo gudaha dalkaasi ka dhacay.

Ninkan Soomaaliga ah ee la baadigoobayo ayaa lagu eedeeyay in uu ku lug lahaa weerar bilowgii sanadkaan lagu qaaday goob lagu caweeyo oo ku talla magaalada Edmonton, waxaana weerarkaasi lagu dilay hal qof ,halka afar qof oo kalana lagu dhaawacay.

Booliiska gobolka Alberta oo ku adkaatay soo qabashada ninkan asalkiisu Soomaaliga yahay magaciisana lagu sheegay Siciid Cusmaan ayaa madaxiisa dul dhigay lacag gaareysa 50,000 oo dollar oo la siinayo qofkii keena xog horseedi karta in lasoo qabto.

Weerarka ka dhacay magaalada Edmonton ayaa la sheegay in ay fuliyeen afar qof, booliiska ayaana horey u xiray labo kamid ah ragii weerarkaasi ku lugta lahaa oo soo far muuqay ninkan Soomaaliga ah ee hadda la baadigoobayo.

Soomaalida kunool dalka Canada ayaa mararka qaar qeyb ka noqda falal dambiyeedyada dalkaasi ka dhaca, waxaana Soomaalida dhaxdooda la sheegaa in mararka qaar isku geestaan dilal iyo dhibaatooyin kale.

(Visited 6 times, 1 visits today)