Booliiska Britain Oo Xabsiga Dhigay Nin U Dhawaaday Naxashka Maydka Boqorad Elizabeth.

Booliiska Ingiriiska ayaa xiray nin isku deyay inuu u dhowaado naxashka meydka Boqorad Elizabeth II, kaas oo yaalla hoolka Westminster.

Ninka la xiray ayaa kamid ahaa dadweynaha safka ugu jiray inay arkaan naxashka Boqoradda iyagoo sagootinayay Boqoradda.

Booliska Ingiriiska ayaa sheegay in xariga ninkan ay ku timid sharciga nidaamka dawliga ah, iyagoo xusay in xabsiga la dhigay ninkaasi, waxaana si kedis ah loo jaray tebinta tooska ee sagootinta Boqoradda dhacdadan awgeed.

Howlaha aaska ayaa ka dhici doona hoolka Westminster Abbey, oo xajmigiisu yahay 2,200 oo qof, iyadoo Boqoradda la aasi doonaa Isniinta soo socota.

(Visited 6 times, 1 visits today)