Bisha Ramadaan Iyo Bandooda Saaran Dalalka Isaamka.

Saudi Arabia ayaa qorshaynaysa in ay dabciso saacadaha bandooda ah ee ay ku soo rogtay magaalooyin dhawr ah inta lagu guda jiro bisha Ramadaan si dadka loogu ogolaado inay waqti dheeraad ah u helaan iibsiga maciishada lagama maarmaanka u ah Ramadaanta, sidana waxa sheegta Wakalada Wararka Sucuudiga ee SPA

Waqtixaadirkan dalka Sucuudiga dadka ku nool degaanada ay bandoodu 24ka saac ah saaran tahay ayaa loo ogol yahay oo kaliya in ay banaanka ugu baxaan baahiyaha dhinaca caafimaadka ah iyo sidoo kale inay ka soo dukaansadaan tukaanada waawayn inta u dhaxaysa 6da ilaa 9ka subaxnimo.

Dabcintan saacadaha Bandooda lagu sameeyay Bisha Ramadaan ayaa la micno ah in dadka loo ogolaanayo inay banaanka u baxaan si ay u soo adeegtaan inta u dhaxaysa 9-ka subaxnimo ilaa 5-ta galabnimo, ayay tiri SPA.

Dhinaca Ciraaq, waxa ay masuuliyiintu qorshaynayaa in ay qayb ahaan qaado bandoodii 24ka saac ahayd inta lagu jiro bisha Ramadaan, waxana ay dadka u ogolaanaysaa in ay galinka hore ee maalintii soo dukaansadaan, dhaqdhaqaaqana sii wataan.

Tan ayaa la micno ah in bandoodu ay sidii loogu talo galay u taagnaanayso habeenkii, laga bilaabo 7-da fiidnimo ilaa 6-da subaxnimo ee xilliga deegaanka illaa iyo Abriil 21 illaa May 11.

Mamnuucida shirarka dadweynaha, isu imaatinka inka badan seddex qof iyo habraacyadii kala fogaynta bulshada ayaa weli sii jiro doona, waxana maqaayadaha iyo kafateeriyada loo oggol yahay in uu ganacsigoodu ahaado mid ay dadka wax ka soo dalbada u gaynyaan alaabta oo kaliya.

Madaxweynaha Indonesia Joko Widodo ayaa sheegay in dalka Indonesia uu mamnuucayo isku soo baxyadii ramadaanta iyo dabaaldagii ciida ee dabayaaqada bisha Ramadaan.

Khubarada caafimaadka ee dalkaas Indonisia waxay ka digayaan in dadka ugu badan muslimiinta caalamka oo ku nool Indonisia hadii loo ogolaado inay u kala safraan guryaha magaalooyinka iyo tuulooyinka dalkaas bisha Ramadaan ay tahay talaabo furdad siinayso faafitaanka cudurka.