Biden Oo ka Dayriyay Halista Caabuqa Furuqa Daanyeerka

Madaxweynaha Maraykanka, Joe Biden, ayaa walaac xooggan ka muujiyay xanuunka furuqa daanyeerka ee si aan horay loo arag uga dillaacay tobanaan waddan.

Biden wuxuu sheegay in arrinta sida weyn looga walaacsan qaabka uu u fidayo cudurka isla markaana ku tilmaamay ‘Walaaca ugu weyn’ ee haatan dunida ka taagan.

“Cudurka si aad ah ayaa looga walaacsan yahay gaar ahaan qaabka uu fidayo iyo cawaab xumida ka dhalan karta” ayuu yiri Biden.

Ka hor inta aanu u duulin dalka Japan, ayaa Biden waxa uu sheegay in dalkiisa uu ku dadaalayo sidii dawo loogu heli lahaa cudurka.

“Waxaan hadda ka shaqeyneynaa sidii aan dawo ugu heli lahayn si aan u horumarinno tallaalka looga hortaggayo cudurkan, waa haddii loo helo daawo ama tallaal.”

Hay’adda caafimaadka adduunka ayaa sheegay in weli baarayso sababta furuqa daanyeerka oo sida caadiga ah ku dhaca xayawaanka uu hadda aadanaha ugu faafayo.

Cudurkan ayaa looga hadli doonaa kulan caafimaadka adduunka ay dalalka leeyihiin, kaasoo lagu go’aamiyo siyaasadaha lagula tacaalayo xannuunada ka dillaaca caalamka.

Astaamaha ugu horreeya ee lagu arko bukaanka uu ku dhaco feyraska Monkeybox ama furuqa daanyeerka waxaa ka mid ah qandho, madax-xanuun, murqo xanuun, dhabar xanuun, qarqar iyo daal.

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay in 50 kiis oo kale oo looga shakisan yahay furuqa daanyeerka la baarayo – iyadoo aan magacaabin dalalka lagu arkay cudurka.

Kiisaskan cudurkan ayaa laga diiwaangeliyay ilaa 14 dal, WHO waxay ka digtay in kiisas kale oo ku saabsan cudurka.