Beesha Caalamka Oo War kasoo Saaray Afgembiga ka Dhacay Sudan

Madaxda caalamka iyo ururada caalamiga ah qaarkood ayaa cambaareeyay afgembiga milateri ee ka dhacay Sudan, waxayna ku baaqeen wada hadal.

Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub, Josep Borrell, ayaa ugu baaqay dhammaan daneeyayaasha gobolka inay hannaanka dib ugu soo celiyaan wadadii saxda ahayd.

Sidoo kale Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa cambaareeyay afgambiga Suudaan wuxuuna ku baaqay in si degdeg ah loo sii daayo siyaasiyiinta rayidka ah ee la xiray.

Qaramada Midoobay ayaa cambaareysay afgambiga. Ergayga u fadhiya Sudan ayaa sheegay in xariga aan la aqbali karin wuxuuna ugu baaqay dhammaan dhinacyada inay si deg deg ah ugu soo laabtaan wadahadalka.

Jaamacadda Carabta ayaa iyana sheegtay inay ka walaacsan tahay in Suudaan ay u gudubto xukunka rayidka.

Midowga Afrika ayaa isna dhinaciisa sheegay inay si aad ah uga xumaadeen dhacdooyinkii ka dhacay Suudaan waxayna ku baaqeen in si degdeg ah dib loogu bilaabo wada hadalkii u dhexeeyay milatariga iyo dadka rayidka ah.

Mareykanka ayaa xusay inay aad uga walaacsan yihiin arrintan. Ergayga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika ayaa taageero u muujiyay dawladda ku -meel -gaarka ah.