Barasaabka Nairobi Oo Isbitaal La Dhigay Markii Uu ku Xanuunsaday Xabsiga.

Barasaabka caasimada Nairobi Mike Sonko ayaa maanta la dhigay sbitaal kaddib markii uu ku xanuunsaday xabsiga lagu hayay maalmahan.

Madaxda isbitaalka ayaa xaqiijiyey in xanuun lo soo dhigay Mike Sonko, islamarkaana lagu ilaalinayo, balse dhaqaatiirtu ma sheegin xanuunka laga daawaynayo.

Sidoo kale shalay ayay ahayd markii maxkamadda horteeeda uu ka sheegay inuusan gaysanin eedaymaha loo soo jeediyey, oo ay ka mid tahay inuu lunsaday lacago badan, oo gaaraysa $ 3 milyan uu ku isticmaalay adeegyo sharci darro ah, waxaana Maxkmadda horteeda shalay soo buux dhaafiyay taageerayaashiisa.