Baarlamaanka Turkiga Oo Cod Aqlabiyad ah ku Ansixiyay In Ciidamo loo Diro Liibiya.

Baarlamaanka dalka Turkiga ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay hindisa sharciyeed u ogolaanaya dowladda inay ciidamo u dirto Liibiya.

Hindise sharciyeedkan ayaa waxa u codeeyay 325 xildhibaan in ciidamo loo diro Liibiya halka 184 ay ka soo horjeedsadeen.

Xukuumadda Turkiga ayaa saaxib dhaw la ah dowladda caalamku aqoonsan yahay ee fadhigeedu yahay caasimadda, Tripoli, taasoo la daalaadhacaysa dagaalka ay kula jirto ciidamo uu hogaamiyo Janaraal Khalifa Xaftar, oo fadhigoodu yahay bariga Liibiya.

Dowladda Masar oo inta badan taageerta ciidamada Janaraak Xaftar, ayaa cambareysay go’aanka baarlamaanka Turkiga ansixiyay, iyadoo sheegtay in go’aanka Turkigu uu si xun u saamayn doono xasiloonida Liibiya.

Ciidamada Turkiga uu u diri doono Liibiya ayaa waxa qayb ka ah khubaro tababaro u fidin doona ciidamada dowladda Liibiya iyo la taliyayaal.

Ciidamada Xafdar ayaa isku dayayay in ay la wareegaan caasmida Liibiya ee Tripoli.