Baarlamaanka Hindiya Oo Meel Mariyey Sharci Mamnuucaaya Furisya Haweenka Muslimka Ah

Baarlamaanka Hindiya ayaa meel mariyay sharci diiday in haweenka muslimiinta ah la dalaaqo ama la furo kadib kulan ay yeesheen shalay.

Ansixinta sharcigaan ayaa ku soo aadaya laba sano kadib markii maxkamada sare ay laashay furiinka dumarka oo ay ku tilmaantay mid xadgudub ku ah xuquuqda haweenka Muslimiinta.

Gudoomiyaha baarlamaanka Rajya Sabha, ayaa sheegay in furiinka uu ka hor imaanayo qodobka 99-aad dufcadiisa 84-aad kaasi oo dhowraya xuquuqda Haweenka.

Ragga muslimiinta ayaa dhanka kale hadii ay furaan haweenka waxay lagu ciqaabi doonaa sadex sano oo Xabsi Ah.

Meel marinta sharcigaan ayaa wuxuu guul u yahay dowlada Hinduuga ee maamusha Hindiya.

Ra’isul wasaare Narendra Modi ayaa sheegay in meel marinta sharcigaan uu saxayo qalad taariikhi ah oo horay loogu dhaqi jiray haweenka muslimiinta Hindiya.

Leave a Reply