Baadhitaan Lagu Bilaabay Lacago Fara-badan Oo Gobolka Banaadir U Isticmaalay Aaskii Ing.Yariisow

Baadhitaan lagu bilaabay dood ka dhalatay lacag fara badan oo xafiiska gobolka Banaadir uu isticmaalay badankeed intii u dhaxeysay weerarkii ka dhacay xarunta gobolka iyo aaskii allaha u naxariistee Guddoomiyihii gobalka Banaadir ahaana duqii Muqdisho Injineer Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow.

Doodan ayaa ka dhalatay xisaab celin ay sameeyeen guddigii u xilsaarnaa aaska daryeelka iyo aaska dadkii wax ku noqday weerarka aqalka dowladda Hoose, ayaa lagu sheegay in lacag dhan hal Milyan oo dollar ay baxday muddo ka yar hal bil, waxaana la sheegay in Lacagta ugu badan oo dhan 700,000 oo dollar ay baxday 24-kii July oo ahaa maalinkii qaraxa uu dhacay ilaa 8-dii August.

Lacagtaan oo laga bixiyay qasnadda dowladda Hoose ayaa lagu sheegay inay ku baxday daryeelka marxuum Yariisow intii uu dhaawaca ahaa iyo aaska geeridiisa, waxaana sidoo kale la sheegay meelaha ay ku baxday lacagahaasi inay qayb ka ahaayeen aaska masuuliyiintii kale geeriyootay iyo daryeelka kuwii ku dhaawacmay.

Waxaa sidoo kale jirta lacag badan oo la sheegay in lagu bixiyey dayac-tir iyo qurxinta xarunta gobolka, balse aysan jirin howl-muuqata oo ay ku bixi karto lacag tobanaan kun oo dollar ah.

Xogtan lacagahan ayaa dibada usoo baxay kadib markii Xafiiska Maaliyadda ee Gobalka Banaadir Cumar Filish, uu ka dalbaday ku simihii Gobalka Banaadir Ibraahim Dheere, in uu soo gudbiyo lacagtii ka baxday Gobalka, dadkii la shaqaaleysiiyay iyo kuwii la dalacsiiyay intii uu kusimaha ahaa.

Xubno sare oo ka tirsan maamulka Gobalka ayaa xaqiijiyay in arintaan ay muran abuurtay iyadoo la sheegay in loo gudbiyay Xafiiska ra’iisul wasaare Kheyre iyo kan hanti-dhowraha qaranka, oo iminka baaritaan ku haya.

Cumar Filish, ayaa yiri “waxaan go’aansaday in aan hanti-dhowrka iyo madaxda qaranka la wadaago tirada, shaqaalaha iyo hantida gobalka aan ugu imid ka hor inta aan shaqo gelin, wixii markaas ka dambeeyo aan qaato mas’uuliyadda wixii dhaca” sida aan ka soo xiganay mas’uuliyiin aad ugu dhow Cumar Filish.

Sidoo kale, kharashka baxay ayaana ku jirin diyaaradda lagu qaaday sidoo kalane lagu soo celiyay maydka Yariisow iyo dadkii la socday ay aheyd lacag la’aan oo ay ku deeqday Dowladda Qatar, waxaana sababta lagu sheegay in aan la kireynin diyaarad Milateri, sidoo kalane aan Soomaaliya laga kireyn doonin caawimaadda deg degga ah ee Qatar.