Axmed Madoobe Oo Is-dhiibay Farmaaja-na ka Dalbaday Wada-hadal.(Akhriso Warsaxaafadedka)

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe oo dhowaan taageerayaashiisu u doorteen xilkaas ayaa qoraal xasaasi ah u soo diray Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Qoraalkan oo ku taariikheysnaa 28 bishan oo shalay ku beegneyd ayaa looga codsaday Madaxweyne Farmaajo in la dhameeyo khilaafka dowlada dhexe iyo madaxda Jubbaland, iyadoo la tixgelinayo xaaladaha ka taagan dalka.

Dowlada Somalia ayaa horey u qaadacday natiijooyinkii ka soo baxay doorashooyin ka dhacay magaalada Kismaayo oo ay ku soo baxeen dhowr Madaxweyne oo wada sheeganaya xilka ugu sareeya Jubbaland kuwaasoo uu ku jiro Axmed Madoobe.

“Waxaan soo jeedinayaa in inaan isfaham buuxa ka gaarno khilaafka u dhexeeya dowlad goboleedka Jubbaland iyo dowlada dhexe oo hadii uu sii socdo aan waxba laga faaiideynin” ayuu yiri Axmed Madoobe oo qoraalkiisa u isticmaalay ereyo jilicsan oo ka duwan kuwii adkaa ee looga bartay doorashada ka hor.

Hoos ka akhriso qoraalka Axmed Madoobe