Awdal:-Labo Wiil Oo Walaalo ah Oo Dhaawac Halis ah kasoo Gaaray Bambo ku Qaraxday

Wrarka naga soo gaadhaya degaanka sheekh nuur ee ka tirsan degmada cali-xaydh ee gobolka Awdal ayaa sheegaya in bambo gacmeed nooca masaarida ay ku qaraxday laba wiil oo walaalo ah, kuwaasoo lagu kala magacaabo
Nasir saleeban Cumar iyo Radwaan Saleeban Cumar.

Qaraxan dhaawaca sababay ayaa la sheegay inuu ka dhashay markii ay ku ciyaarayeen bambo ay ka heleen deegaankaasi waxaxa dhaawacyada wiilashan oo midi halis yahay loo qaaday MCH-ka degmada Cali xaydh, iyadoo la filayo in loo soo qaado isbitaalka magaalada Borama

(Visited 4 times, 1 visits today)