Askari Reer Awdal ah Oo Rasaas ku Dilay Askari kasoo Jeeda Gobolka Togdheer.

Askari kasoo jeeda deegaanka Farda lagu xidh ee degmada Lughaya ee Awdal ah ayaa dil u gaystay askari kasoo jeeda bariga Burco, kuwaaso ka wada tirsanaa ciidamada booliiska somaliland.

Warar ayaa sheeegaya in askariga dilka gaystay oo magaciisa lagu soo koobay Caateeye isla markaana darajadiisu ahayd Dable uu falkan ku kacay ka dib markii ay wakhtigii qado ahayd is afdhaafeen askariga uu dilay oo alle haw naxariistee lagu magacaabi jiray Cabdinaasir Axmed Aadan oo darajadiisu ahayd Dable.

Sidoo kale ilawareedyo ka agdhaw xerada uu falkan ka dhacay ayaa shabakada u xaqiijiyay in ismaan dhaafka labadan askari uu salka ku hayay muran mudo kooban oo ka dhashay gogosha askari dilka gaystay oo uu ku seexday marxuumku, intaasi kadibna uu dhexmaray muran aflagaado u badan oo kasoo yeedhay marxuumka la dilay taasoo salka ku haysay dilkii saraakiishii reer Awdal.

Askariga dilka gaystay ayaa ka soo jeeda beesha Bahabar abakor halka askariga dhigiisa ah ee uu dilka u gaystayna uu ka soo jeeday beesha Habarjeclo.

Ciidamada amaanku ayaa gacanta ku dhigay askariga dilka gaystay isaga oo aan ka bixin xerada ciidanka birmadka oo uu dilku ka dhacay isla markaana xabsiga loo taxaabay.

Xukuumada somaliland ayaan ilaa hada ka hadal falkan dilka ah ee ka dhex dhacay xerada ciidamada booliiska ee magaalada Hargeysa, iyada oo maydkii marxuunka la dilayna isla maanta la aasay.

Leave a Reply