Askar Lagu Dhaawacay Qalalaase ka Dhashay Xadhiga Odayaasha Gargaara Oo Lagu Waday Hargaysa.

3 askari iyo Chief Caaqil ayaa ku dhaawacmay dhagax tuur ay dadka ku dhaqan degaanka Cali-xaydh kala hor yimaadeen, ciidan iyo tikniko waday oday dhaqameedyo 9 ah oo laga soo xidh-xidhay degaanada Gargaara iyo Garba-dadar, sida ay shabakada u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Odayaashan la xidh-xidhay ayaa lagu waday xarunta CID-da ee Hargaysa, waxana ay joobjoogayaashu sheegayaan in ay jiraan qasaare kale oo baabuur Muraayadaha laga jajabiyay ah.

Chief Caaqilka dhagax-tuurkan ku dhaawacmay oo ah Chief Caaqil Daahir Cusmaan Cilmi ayaa waxa xadhiga ku wehelinayay Chief Caaqil Muuse Ceelaabe Abaar (Garaadka), Caaqil Cali Faarax Xoosh, Caaqil Xasan Cabdi Rayaale (Xasan Gacan), Caaqil Siciid Muxumed Cali, Caaqil Muuse Cali Yuusuf (Muuse October), Caaqil Cismaan Maxamuud Buuni (Afwayne)  Caaqil Ismaaciil Axmed Samaale (Af-mulacle)  iyo Sheekh Aadan Samaale Khayre.

Cuqaashan ayaa amarka lagu xidhay waxa bixiyay badhasaabka gobolka Awdal Cabdi Axmed Cali (Ina-shaqaabo) oo amar ka haysta Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland, waxana ay wararku sheegayaan in Badhasaabku uu ku sugan yahay magaalada Garba dadar.

Dhinaca kale ciidamo dheeraad ah oo RRU ah oo hubaysan oo xoojin ah ayaa gaadhay degaanka Gargaara, iyaga oo lagu amray inay dul dagaan isla markaana baabiiyaan beer ay dad barakacaal ah ka qoteen degaanka Gargaara.