Al Shabaab Oo Lacag lagu Qiimeeyay Lix Nin Magtood U kala Wareejisay Labo Beelood.(Sawiro)

Al Shabaab ayaa markii ugu horeesay u kala wareejisay lix nin magtood oo lagu qiimeeyay 600-Halaad labo beel oo siyaabo kala duwan dad isaga dilay deegaano katirsan gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe.

Munaasabad ka dhacday degmada Buq Aqable ee gobolka Hiiraan ayna kasoo qeyb galeen masuuliyiin katirsan Al Shabaab ayaa Beelaha Xawaadle iyo Abgaal waxa ay ku kala qaateen diyada lix qof ay siyaabo kala duwan isaga dileen.

Al Shabaab ayaa ku guuleesatay in ay xaliso colaad u dhaxeysay labada beel ee Abgaal iyo Xawaadle oo siyaabo kala duwan dad isaga dilay, waxa ayna Al Shabaab labada beel u kala qaaday geela diyada ah oo lacag ahaan loo qeybiyay kadib heshiis la gaaray.

Beesha Abgaal ayaa qaadatay 500 neef geela oo ah diyada lix nin oo beesha Xawaadle ka dishay halka beesha Xawaadle ay qaadatay diyada 100 halaad oo ah diyad hal nin oo beesha Abgaal horay uga dishay.

Diyada labada beel ay kala qaadanayeen oo dollar ahaan loo qiimeeyay ayaa la sheegay in lagu kala qaatay munaasabada ka dhacday degmada Buq Aqable oo ay joogeen waxgarad labada beel matalayay iyo masuuliyiin Al Shabaab katirsan.

Waa arin aan inta badan aan ka dhicin gudaha Soomaaliya in hal mar beelo ku kala qaataan 600-Neef geel oo diyo ah, mana ahan markii ugu horeesay Al Shabaab diyo u kala qaadaan beelo dad iska dilay.