Al-Qaacida Oo Hogaamiye Cusub U Magacawday Seiful Al-Cadlo.

Al-Qaacida ayaa shaacisay hogaamiyaha cusub ee Kooxdaasi kaasoo badelaya Dr. Ayman Al Zawaahiri.

Hogaamiyahan cusub ayaa la rumaysan yahay inuu ku dhuumalaysanayo Dalka Iran waana General hore oo Masar kasoo jeeda laguna Magacaabo Seiful Al-Cadlo.

Jariidada Daily Mail ee ka soo baxda London waxay aaminsan tahay in shaqsigaan uu Al-Qaacida ka dhigi doono sidii hore Markii uu Hogaaminayay Osama Bin Ladin.

Al-Qaacida si toos ah uma Xaqiijin Geerida Hogaamiyahoodi hore Ayman Al Zawaahiri inkastoo ay jirtay sanadkii hore 2020 Warar sheegayay inuu u Geeriyooday cuduro badan oo iskugu tagay oo uu la tacaalayay.